- info@xisbigaogaal.org
- +252 77 254 4444
ku saabsan
Xisbiga Ogaal
Xisbiga Ogaal waa xisbi lagu aasaasay magaalada Muqdisho 2026-kii oo ay aas-aaseen aqoonyahanno iyo hoggaan bulsho oo u kuur galay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, ku sameeyey cilmi-baarisyo qotta dheer, kadibna diyaariyey hab-raacyadii looga bixi lahaa dhibaatooyinkaas.
Ogaal wuxuu u taaganyahay in uu Soomaaliya u hogaamiyo isbedel-dhamaystiran si ay dadka Soomaaliyeed helaan cadaalad, amni, nolol, koboc dhaqaale, dawlad-wanaag iyo xuquuqdooda muwaadinnimo.
Ujeedada loo aassaasay Ogaal waa in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, helaan masrax ay si sharci ah ugu xaqiijiyaan himilooyinkooda dhow iyo kuwooda fogba.
Aragtida, Himilada & Mabaadi’da Guud ee Ogaal
Aragtida Ogaal
Soomaaliya midaysan, nabad ah, lagu maamulo cadaalad iyo sarraynta sharciga; dawladdu u adeegto, fursadana u abuurto muwaadin kasta, kana mid noqota wadamada hormuudka u ah Afrika.
Himilada Ogaal
Dhisidda Soomaaliya mideysan, caddaalad ah, barwaaqo ah, iyadoo lagu gaadhayo hoggaan hufan, dowladnimo isla-xisaabtan leh, iyo fursado ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniintu.
Hogaamiyaha
Mudane Cabdulkariim Xassan Jaamac
Abdulkareem Hassan Jama waa siyaasi Soomaaliyeed, aqoonyahan khibrad u leh siyaasadda iyo dhismaha dowladnimada.
Waa hoggaamiyaha Xisbiga Ogaal, oo ah xisbi siyaasadeed oo u ololeeya in uu Soomaaliya u hogaamiyo isbedel-dhamaystiran, dadka Soomaaliyeed helaan cadaalad, amni, nolol, koboc dhaqaale, dawlad-wanaag iyo xuquuqdooda muwaadinnimo.
Wuxuu Ogaal qorsheeyey hirgelinta maamul ku dhisan aqoon, cilmi baaris iyo xog sugan. Sidoo kale, Abdulkareem wuxuu murashax u yahay doorashada Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya ee 2026.
Ka hor intii uusan si rasmi ah u gelin siyaasadda xisbiyada, Cabdulkareem Xasan Jaamac wuxuu xilal kala duwan oo muhiim ka soo qabtay Dawladda Federalka, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hey’adaha tacliinta sare iyo cilmi-baarista.
Abdulkareem waxa uu soo noqday Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Maxtooyada iyo Lataliyaha Saree ee Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo door muhiim ah ka qaatay dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada iyo ka bixista Kumeel-gaarnimada ee Dowladda Soomaaliya.
Waxa uu ka mid yahay aasaasayaashii Machadka Cilmibaarista iyo Falanqaynta Siyaasadda ee ugu weyn Soomaaliya, wuxuuna muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Golaha Sare ee Machadka. Waxa uu kaloo ka mid yahay aasaasayaashii Jaamcadda Tayada Saree e City University of Mogadishu, mudda dheerna ka mid ahaa hogaanka ugu sareeya.
Aragtida siyaasadeed ee Cabdulkareem Xasan Jaamac waxay xoogga saartaa in Soomaaliya hesho Midnimado ku dhisan dhab-u-heshiisiin qaran, dastuur iyo nidaam federal oo loo dhanyahay. Wuxuu aad u rumaysan yahay xaqsiinta muwaadinka, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, kobcinta fursadaha dhaqaale ee dalka, dhisidda karaanka iyo awoodda muwaadinka, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan.
Abdulkareem wuxuu ka mid ahaa dadkii bilaabay codsiga in Soomaaliya ka mid noqotto Dawladaha Bariga Africa 2010-kii wuxuuna rumaysan yahay in Mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiranyahay ka faa’iideysiga muhiimadda juqraafiyadeed ee Soomaaliya, firfircooninada ganacsatada Soomaaliyeed iyo xiriir dhaqaale dhanka gobolka, qaaradda iyo ganacsiyada isaga goosha dunida.
Mabaadi’da Guud ee Xisbiga Ogaal:
Nabad, Xasillooni iyo Iskufilnaansho, iyo isku tashi la isku hallayn karo.
Caddaalad iyo Xil iska saarka danta Muwaadinka
Sarraynta Sharciga.
Xoojinta wadajirka dadka Soomaaliyeed so loo adkeeyo Midnimada Dalka.
Dastuur Wadar Ogol ah.
Nidaam Federaal oo muwaadinka u shaqaynaya
La dagaalanka Musuqmaasuqa.
Isku-Filaansho Dhaqaale.
Nala soo xiriir
Head Office
Mogadishu Banadir - Somalia
Email us
info@xisbigaogaal.org
Call us
+252 77 254 4444